Af-Soomaali
Qalinle Dayib
Murashax baarlamaanka Iswiidhan, golaha deegaanka gobolka Skåne iyo golaha deegaanka Kristianstad
Qalinle waa kuma?
Magacaygu waa Qalinle Dayib.
Waxaan ku noolaa Iswiidhan in ka badan 33 sano, waxaana ka shaqeynayay siyaasadda iyo adeegga bulshada muddo ka badan 24 sano anigoo ka tirsan xisbiga Centerpartiet.
Waxaan hadda xubin ka ahay golaha gobolka Skåne iyo golaha deegaanka Kristianstad. Intii aan siyaasadda ku jiray, waxaan ka soo shaqeeyay, arrimo la xiriira caafimaadka, waxbarashada, kaabeyaasha dhaqaalaha, horumarinta bulshada iyo isdhexgalka bulshada.
Waxaan aaminsanahay, in siyaasadda wanaagsan ay ka bilaabato, dhageysiga dadka iyo raadinta xalal wax ku ool ah oo wax ka qabta dhibaatooyinka nolol maalmeedka.
MAXAAN ISU SHARAXAYAA?
Waxaan isu sharaxayaa doorashada sababtoo ah, waxaan aaminsanahay Iswiidhan mideysan oo dadka isu keenta, kana fog kala qaybsanaan.
Waxaan doonayaa, bulsho qof walba uu helo, fursad uu ku shaqeeyo, ku waxbaran karo, ku heli karo, daryeel caafimaad oo wanaagsan isla markaana uga qayb qaadan karo dhismaha mustaqbalka.
Waxaan sidoo kale aaminsanahay, in kala duwanaanshuhu yahay xoog, isla markaana isdhexgalka wanaagsan uu bilaabmo marka qof kasta helo fursad dhab ah oo uu bulshada uga qayb qaato.
Hadafkaygu waa inaan ka qayb qaato, dhismaha bulsho ka sii xoog badan, caddaalad badan tanmaanta, isla markaana fursado badan u abuurta jiilasha soo socda.
Khibraddayda
Waxaan in ka badan 24 sano ku jiray siyaasadda iyo adeegga bulshada.
Mudadaas waxaan ka shaqeeyay arrimo badan oo ay ka mid yihiin:
• Caafimaadka
• Waxbarashada
• Isdhexgalka bulshada
• Ganacsiga iyo shaqo-abuurka
• Dimuqraadiyadda iyo ka qaybgalka bulshada
• Horumarinta gobolka iyo degmada
Waxaan aaminsanahay in khibraddu muhiim tahay marka la gaarayo go'aamo saameynaya nolosha dadka.
Mudnaantayda
Mudnaantayda siyaasadeed waxaa ka mid ah:
• Shaqooyin badan iyo fursado badan
• Isdhexgal bulsho oo wanaagsan
• Daryeel caafimaad oo tayo leh
• Waxbarasho iyo iskuullo wanaagsan
• Taageeridda ganacsatada iyo shirkadaha yaryar
• Bulsho mideysan oo xooggan
Sidee baad iigu codeeyn kartaa?
Doorashooyinka Iswiidhan, codbixiyuhu wuxuu cod siin karaa, xisbiga uu taageersan yahay isla markaana wuxuu siin karaa cod, shaqsiyeed murashax gaar ah.
Haddii aad rabto inaad aniga shaqsi ahaan ii taageerto, waxaad calaamad (X) saaraysaa magaca Qalinle Dayib ee warqadda codbixinta.
Ogoow, codkaaga shaqsiga ahi wuxuu samayn karaa farqi weyn!
Markii aad i siiso codkaaga shaqsiga ah, waxaad taageeraysaa khibrad, wada shaqeyn, fursado siman iyo Iswiidhan mideysan oo loo wada siman yahay.
Wadajir ayaan u dhiseynaa Iswiidhan mideysan
Bulsho xooggan waxaa la dhisaa marka dadku wada shaqeeyaan, is ixtiraamaan isla markaana jiilasha soo socda loo abuuro fursado wanaagsan.
Waad ku mahadsan tahay inaad waqti siisay inaad wax badan iga ogaato iyo ololahayga doorashada.
Iswiidhan Isku Duuban
13-ka Sebteembar 2026 waxaan heli doonnaa, fursad aan ku dooranno, mustaqbalka aan u rabno Iswiidhan.
Waxaan doonayaa, dowlad cusub iyo jihayn siyaasadeed oo cusub oo dalka loogu horseedo wanaag iyo horumar.
Waxaan aaminsanahay, in Iswiidhan ay sii xoogaysato, marka dadku ay helaan fursad ay ku shaqeeystaan, wax ku bartaan, ganacsi ku bilaabaan, isla markaana bulshada wax ugu soo kordhiyaan. Waxaan aaminsanahay, bulsho isku duuban oo ku dhisan ixtiraam, masuuliyad iyo rajo mustaqbal.
Dad badan ayaa maanta dareemaya, in bulshada ay sii kala fogaanayso. Waxaan rabaa, inaan ka shaqeeyo sidii dadka la isugu soo dhoweyn lahaa, ee aan loo sii kala fogeyn lahayn.
Haddii aad ku dhalatay Iswiidhan ama aad noloshaada ku dhisatay halkan adigoo ka yimid dal kale, waxaad qayb ka tahay, mustaqbalka Iswiidhan.
Sidaas darteed codkaagu waa muhiim.
Haddii aad rabto Iswiidhan isku duuban, fursado badan oo dadka guullo cusub loogu hago iyo jiho cusub oo dalka loo horseedo, waxaan rajaynayaa, inaad taageerto aniga iyo Centerpartiet doorashada 2026-ka.
Wadajir ayaan u dhisi karnaa, Iswiidhan ka xoog badan oo ka mideysan tan maanta.
Xiriir
Waxaan soo dhoweynayaa xiriirka ururrada, shirkadaha, bulshada rayidka ah iyo shakhsiyaadka ku nool Sweden.
Ha ka waaban inaad ila soo xiriirto ama igu casuunto kulan, dood ama munaasabad bulsho.
Qalinle Dayib
qalinledayib